Afwerki oo booqasho ku tegayo Muqdisho

Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta lagu wadaa inuu booqasho ku tego magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya halkaas oo uu kusoo dhaweyn doono madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Afwerki ay ku casuuntay dalka si labada dal ay uga wadahadlaan xiriirka taarikhiiga ah ee ka dhexeeyo.

Qoraal ay dowladda soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay yeelanayaan kulan ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo danaha ka dhexeeyo labada dal.

Social embed from twitter

Villa Somalia

@TheVillaSomalia

On the invitation of H.E @M_Farmaajo, H.E Isaias Afwerki of will pay official State Visit to today to further strengthen the historical ties between the two brotherly nations. The two Head of States will have bilateral discussions on areas of mutual benefit.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki (Sawir hore)
Image caption: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki (Sawir hore)

Hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa dhawaan kulan ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga wada hadleen heeshisyadii ay ku kala saxiixdeen Asmara iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*