Caalamka oo maanta laga xusaayo maalinta shaqaalaha adduunka

Caalamka ayaa si weyn looga xusayaa maanta kowda Maajo oo ah maalinta shaqaalaha adduunka loo asteeyey. Maalinta shaqaalaha aduunka ayaa la asteeyey 1, Maajo, sanadku markuu ahaa 1904 in ay noqoto maalin ay shaqaalaha aduunku u dabaal dagaan, muujiyaan xuquuqdooda, lana qaybsadaan farxada qoysaskooda iyo asxaabtooda.

Kowda Maajo ayaa in badan oo ka mid ah ururada shaqaaluhu sameeyaan dibad baxyo ay uga cabanayaan xuquuqdooda. Maalinta Shaqaaluhu waa maalin caalami ah oo aduunka dhan looga dabaal dago, waa maalin la xuso guulaha ay soo hoyeen ururrada shaqaalaha; waana maalin lagu xuso halganka ay shaqaaluhu ugu jiraan iney bulshooyinkooda ka saaraan fakhriga.

Hambalyo maalinta shaqaalaha adduunka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*