Ciidamada amaanka Baydhabo oo gacanta ku dhigay gaari siday walxa qarxa

Ciidamada amaanka ee magaalada Baydhabo ayaa gacanta ku dhigay gaari siday waxyaabaha qarxa kaas oo kusoo wajahnaa gudaha magaalada baydhabo.

Saraakiisha amniga ee maamulka Koonfur galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in gaarigan uu markii hore ka yimid deegaan lagu magacaabo Raam Cadey oo ay ka arimiyaan dhaq dhaqaaqa Alshabaab.

Dhinaca kalena darewalka waday gaariga la qabtay oo ay saraakiisha amnigu wareysteen ayaa sheegay in isaga oo aan ogeyn walxahan qarxa la saaray gaariga xili uu ka dagay.

Xasan Xuseen oo ah wasiirka Amniga Koofur Galbeed oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Gaariga la qabtay ay saarnaayeen walxo qarxa oo u badnaa bambaanooyin isagoona ciidamada amniga uga mahadceliyay sida ay uga hortageen khatar lagu waxyeelayn lahaa shacabka magaalada Baydhabo.

Si kastaba ha ahaatee howlgalkan ay ciidamada amaanka Baydhabo kusoo qab qabteen walxahan qarxa ayaa kusoo aadaya xili maalmaha soo aadan la rajeynayo in ay magaalada Baydhabo ka dhacdo doorashada madaxweyne ee maamulka Koonfur galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*