Dood ku Saabsan Tayada Cafimaadka Dalka Oo Ay So Qaban Qaabisay Xarunta Tala Soo Jeedinta Somaliyeed

Dood Ku saabsan Hormarinta Adeeg’cafimaadka Dalka.
—————————————‘—‘—-‘——-‘–‘-‘————-‘-
Oo Ay Si Wada Jira ay u soo wada qaban Qabiyeen Xarunta tala Soo Jeedinta somaliyeed iyo  Daladda Jilayaasha Aan Dawliga ahayn Ee Sonsa.

Waxaan Ka soo Qayb-galay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Ee Somalia Maxamed cabdi xayir Mareye iIyo Dhamaan madaxda Xarunta Tala soo jeedin iyo Gudomiyaha Daladda Jilayaasha Aan Dawliga ahayn Ee Sonsa tahliil Shaatax iyo Marti Sharaf kale.

Ugu Horayn Amb Cabdiraxman Nuur  Dinaare Oo Kamida  Xaruta Tala Soo Jeedinta Ayaa Goobta ka Sheegay Warbixin Ay Soo diyaarisay Xaruntu Oo ah cafimaadka Dalka waxa ayna Warbixintu Sheegtay in Ay jiraan Baahi Badan Oo cafimaad Taasina Ay Tahay in Ay Dawladu Waxa ka qabato Tusaale Majiraan Dhakhaatiirta Ka hawl Gasha Somalia Aqoontooda Waxa Hubiya Oo qof Walba Waxa Uu iska Furtay Goob Cafimaad iyo in Uu Shaqaalaysiisto Ajaaanib Aan la Ogayn Meesha Uuu wax ku bartay Iyo waxa Uu cafimaadka Ka yaqaan.

Dhanka Kale waxa isna kahadlay Dr tahliil Oo ah Gudomiyaha Sonsa Waxa Usheegay inay mihiim Tahay Tayada Cafimaadka  Maadama Uu yahay waxa bila”adan La xidhiidha isga Oo sheegay in sharciga cafimaadka ay barlaamnka la’mariyey balse aana wali lamarin Aqalka sare Waxa una Golaha aqalka Sare ka Cod saday inay Sharcigaa  Ay ka dodaan Ansixiyaana.

Dr Maxamed Yusuf Oo ah Gudomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliyeed aya  sheegay in ay waajib Ka Ugu wayn Ay  Leedahay Wasaaradu Iya-guna Ay kala Shaqeynayaan tayada
adeeg-yada Cafimaadka Dalka.

Masuul Ka Socday Xafiiska Madaxwaynaha Oo Lagu magacaabo cali gesey gacal Ayaa isna Sheegay In Uu yahay cafimaadku Mihiim Sidaa Darteedna talooyinka Ka soo Baxa Uu Lawadaagi Doono Madaxwaynaha Si Dalka cafimaadkiisa wax looga qabto.

Duniyo maxamed Xaashi cafimaadka oo wax ka baratay aya talooyin iyana Soo jeedisay.

Dhamaan Dhakhatiirtii Iyo aqoon yahandii odayaashii ayaa isku Raacay in Uu hoos Udhac Wayn ka Jiro Shaqadii ay la’hayd Wasaaradu Kana Rabaan In Waxbadan Laga badalo Qorshaha  Haatan Ee cafimaadka dalka.

Ugu Dambayntii Dooda Oo uu soo xidhay wasiirka Ganacsiga Somalia Maxamed cabdi xayir mareye  aya qiray in Ay Somalia Ay ka jiraan cuduro badan kansar ku ka mid yahay
Balse wasaaradiisu Ay Waxbadan Ka qabatay Hadna ay wado qorshayaal badan Sidii Dalkan Ay Ukeeni Lahaayeen Ganacsatadu Adeeg Cafimaad oo Tayadiisa Ay wasaaradu La socoto
Arintàasna ay sharci ka qoreen Dhawaana La marsiin Doono.Golayaashada Dawlada
Isga oona Umahad Celeyey Xarunta Tala Soo jeedinta Oo qabata Dooda noo can Oo kala Ah oo lagu Iftii’minayo Baahida Bulshada Talooyinka  Laga Soo saarana   ay La wadagaan Hay”adaha qoseeyaa Ee Dawlada Shaqadaa Fiican Ayuu Ku amaanay xarunta Wasiirku.

W:Q:Wariye maxamed Cabdi Cismaan (Faradhere)

(SAWIRO)


.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*