Loollanka shirkadaha dayaaradaha ee suuqyada Soomaaliya: Ethiopian Airlines oo Muqdisho ka bilaabaysa duullimaadyo

Mas’uuliyiinta shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa sheegay in 2da bisha Nofeembar ay dib u billaabayaan duullimaadyo toos ah oo tagaya magaalada Muqdisho.

Tallaabadaas ayaa noqonaysa markii ugu horreysay, muddo ka badan 40 sano oo diyaarad ganacsi oo ay leedahay dowladda Ethiopia ay duullimaadyo toos ah ka dhex sameyso garoomada caalamiga ah ee magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho.

Diyaaraddan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn qaaradda Afrika ayey howlaheedii duullimaad ee Soomaaliya hakad u galisay sababo la xiriira colaad labada dal dhex martay sannadihii 1970meeyadii.

Dagaal tobannaan sano ka hor ka dhex qarxay Itoobiya iyo Soomaaliya oo ilaa maanta ay saameyntiisa taagan tahay, ayaa diyaaradaha shirkaddaas ka hor istaagay iney dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho

Loollanka diyaaradaha daneynaya Soomaaliya

Bayaan uu soo saaray agaasimaha guud ee shirkadda Ethiopian Airlines, Tewolde GebreMariam, ayaa lagu yiri “Duullimaadyadeennu waxay si dhakhso ah u noqon doonaan kuwo howlgala maalin kasta, waxayna taasi faa’iido u noqoneysaa isgaarsiinta dhinaca socdaalka ee labada waddan, waxayna Soomaaliya u sahleysaa duullimaadyada ku wajahan qeybaha kale ee caalamka”.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa hadda ah tan kaliya ee duullimaadyo caalami ah ka sameysa Soomaaliya.

Turkish Airlines ayaa Soomaaliya ku xiraysay dunida inteeda kale muddo 6 sano ahLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionTurkish Airlines ayaa Soomaaliya ku xiraysay dunida inteeda kale muddo 6 sano ah

Arrintan ayaa u muuqata loollan ay diyaaradaha laga leeyahay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ugu jiraan iney ka faa’iideystaan ganacsiga duullimaadyada Soomaaliya ku xiraya caalamka kale, iyagoo sidoo kalena u daneynaya dadka Soomaaliyeed oo horay waddamo kale u sii tagi jiray si ay u raacaan duullimaadyada caalamiga ah.

Waxaan wali cagaheeda isku taagin shirkadda Somali Airlines oo burburtay markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ku dhawaad 30 sano ka hor, inkastoo ay jiraan diyaarado maxalli ah oo sameeya duullimaadyo isaga kala goosha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Duullimaadyada Ethiopia iyo Eritrea

Bishii Juun ayay shirkadda Ethiopian Airlines dib u billowday duullimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Asmara ee caasimadda waddanka Eritrea, ka dib markii ay hakad ku jireen muddo ka badan 20 sano.

Diyaaradda Itoobiya ayaan wax dhaqdhaqaaq ah ka sameynin Eritrea , wixii ka dambeeyay dagaalkii dhex maray labada waddan iyo khilaafkii diblomaasiyadeed ee wakhtiga dheer soo jiitamayay.

Ethiopian Airlines ayaa ah shirkadda uu dakhliga ugu badan ka soo galo Afrika, sida laga soo xigtay guddi daraaseeya arrimaha shirkadaha ganacsiga.

Waxaa suurtogal ah in Ethiopian Airlines ay qayb ka qaadato fududaynta ganacsiga labada waddanLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionWaxaa suurtogal ah in Ethiopian Airlines ay qayb ka qaadato fududaynta ganacsiga labada waddan

Dakhligii shirkaddan uga soo xarooday howlihii ay sameysay sannadkii 2017/2018 ayaa lagu qiyaasay lacag dhan 2.7 bilyan oo doolar.

Tan iyo sannadkii 2013-kii shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa bahwadaag la noqotay shirkado kale oo laga leeyahay qaar ka mid ah waddamada qaaradda Afrika, kuwaasoo ay ka mid yihiin shirkadaha diyaaradaha ee Malawi iyo Zambia.

Masuuliyiinta diyaaradda Itoobiya ayaa hadda ku howlan sidii ay u iibsan lahaayeen diyaarad cusub oo ka howlgasha dalka Mozambique, waxayna sidoo kale wada hadallo ku saabsan isla ganacsiyo noocaas ah kula jiraan dowladaha Chad, Djibouti, Equatorial Guinea iyo Guinea.

Duullimaadyada ay ku tegi doonto Muqdisho ayaa la filayaa inay wax weyn ka beddeli doonaan qiimaha tikidhada lagu tago dalalka Yurub iyo waqooyiga Ameerika, kuwaasoo ay rakaabku u arkayeen in ay aad qaali u yihiin.

Muqdisho ka hor Ethiopian Airlines waxay qiyaastii muddo labaatan sano ah duullimaadyo ku tegeysay magaalada Hargaysa, ayadoo dhowrkii sano ee ugu dambaysana maalintiiba laba duullimaad oo ka imaanaya Addis Ababa u diraysay Hargaysa.

Xigasho : bbc.com/somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*