Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo ku dhawaqay in laga qaybqaato waxyeelada Fatahadda Wabiga Shabeelle.

Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Eng,Cabdixakiin Cabdullahi Cumar Camey oo shir jaraaid ku qabtay Xafiiska waxaa uu shaaciyey in bulsho iyo dowladba Puntland u diyaar garowdo sidii looga qaybqadan lahaa caawinta dadkii ku waxyeelobay dhibatadii fatahada wabiga Shabelle.

Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in Puntland ay la dareemayso bulshada iyo xukuumadda Hirshabelle waxyeelada baahsan ee samaynta ku reebtay deegaanka Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ,oo dhimasho iyo hanti burburba gaystay ” Waxaan la dareemaynaa walalaheen hirshabelle dhacdadii fatahada wabiga oo ahayd dhibaato dabiici ah,diyaar  ayey Puntland u tahay inay gacan muuqata ka gaysato wixii karaankayaga ah,madaxweynaha iyo shacabkaba waxaan u sheegaya in aan ka qaybqadanayno dhibta oo aan idin la dareemayno” Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland.

Madaxweyne kuxigeenku waxaa uu amray in Puntland Garoomada Puntland ay isticmali karaan Maamulka Hirshabelle inta ay socoto arrimaha gurmadka Waxyeelada Wabiga Shabelle,madaama ay jiraan shixnado lasoo gaarsiinayo deegaanada dhibtu gaartay.

Madaxweyne Camey waxaa uu shirkiisa Jaraaid hanbalyo  u diray Kooxda 17 jirada ah ee ku ciyaarayey Magaca Soomaaliya oo guulo la taban karo kazoo hoyiyey ciyaarihii ay ka qaybgaleen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*