Maxaad ka taqaan Meaza Ashenafi, gabadha ugu sarraysa Garsoorka Itoobiya?

Aqalka wakiillada (baarlamaanka) Itoobiya wuxuu maanta ansixiyey magacaabiddii ra’iisul wasaaraha waddanka Abiy Axmed uu u magacaabay Meaza Ashenafi inay noqoto guddoomiyaha maxkadadda sare ee federaalka.

Tallaabada lagu magacaabay gabadhan ayaa qayb ka ah isbeddello uu dalka ka wado ra’iisul wasaaraha, tan iyo markii la uu xukunka qabtay bishii Abriil.

Haddaba waa tuma Meaza Ashenafi?

Waa aasaasihii iyo agaasimihii fulinta ee ugu horreeyey ururka qareennada dumarka ee Itoobiya (EWLA), wuxuuna ururkeeda ka shaqeeyey sidii arrimaha dumarka loogu dari lahaa ajandaha qaranka, ayadoo la adeegsanayo, waxna laga beddelayo xeerar waaweyn oo faquuqa la xiriira sida shuruucda qoyska, ciqaabta, hawlgabka, iyo qaar kale.

Tusaale ahaan, wuxuu ururkeedu difaacay gabar 14 jir ahayd oo la doonayey in khasab nin loogu guuriyo dabayaaqadii sagaashameeyadii. Waxaa lagu eedeeyey inay dishay nin afduubtay oo kufsaday.

Sahle-Work Zewde waxay todobaadkii hore noqotay gabadhii ugu horraysay ee Itoobiya madaxweyne ka noqotaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionSahle-Work Zewde waxay todobaadkii hore noqotay gabadhii ugu horraysay ee Itoobiya madaxweyne ka noqota

Kiiska ayaa albaab u furay in sharci ahaan la mamnuuco in qofna loo afduubo sababo guur la xiriira.

Wakhtiyo dambe ayey sheekadaas noqotay mid caan ah oo soo jiidatay indhaha filim sameeyeyaasha, taasoo keentay in laga sameeyo filim la magac baxay Defretoo la macne ah dhiirranaan.

Filimkaas waxaa agaasinkiisa lahayd 2014kii qalanjada caanka ka ah Hollywood ee Angelina Jolie Pitt.

Taariikhda Meaza waxaa kaloo qayb ka ah ayadoo la taliye u ahayd golaha xuquuqda dumarka ee UNECA, xaakim maxkamadda sare, agaasimaha fulinta ee InterAfrica Group, la taliye guddiga dastuurka ee Itoobiya ee u xil saarnaa inuu qoro dastuurka Itoobiya ee 1995, iyo sidoo kale ayadoo la taliye sare u noqotay The African Child Policy Forum (ACPF).

Meaza oo caan ku ah in ay u ololayso arrimaha dumarka waxay hogaamin doontaa maxkamadda sare ee federaalka, taasoo leh awoodaha xagga sharciga ee ugu sarreeya federaalka.

Talaabo loo arkay sinaansho ay ragga iyo dumarku u siman yihiin haykalka dawladnimo, ayaa magacaabisteedu waxay u noqotay tii ugu dambaysay, ayadoo uu baarlamaanka waddankana dhawaan meel mariyey in Sahle-Work Zewde ay noqoto madaxweynihii ugu horreeyey ee dumar ah ee uu waddanku yeesho.

Tallaabo aan hore loo sii filayn, ayuu ra’iisul wasaare Abiy Axmed sidoo kale ku magacaabay kala bar golihiisa wasiirrada inay dumar noqdaan, ayadoo boosaska ay hayaanna ay ku jirto wasaaradda muhiimka ah ee gaashaandhigga.

Xigasho: bbc.com/somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*