Prof. Saalim Caliyow Ibrow oo ku dhawaaqey in uu yahay musharaxa Afhayeenka Golaha Shacabka

Wasiirka Macdanta iyo Kheyraadka Biyaha Prof. Saalim Caliyow Ibrow ahna mudane ka tirsan Golaha Shacbiga ee Baarlamanka Federalka Soomaaliyeed (10-aad) ayaa manta 18ka April 2018 isu soo taagay qabashada xilka Gudoonka Baarlamaanka, wuxuuna kaga dhawaaqay xaflad uu ku qabtay Hoteel Golobal ee magaaladda Muqdisho.

Xildhbaan Saalim Caliyow Ibrow oo in mudo ah ku soo jiray Siyaasada dalka ku dhawaad 45 sano, ayaa sheegay inuu quud dareynayo hanashada xilka Gudoonka Baarlamanka

“Xaqiiqdii waxaa jirta kala qaybsanaan ku soo dhex jirtay hogaanka baralamaanka iyo xildhibaanada qaran mudadii 18 sano ahayd ee la soo dhaafay, mar kastana waxaa jiray is maan dhaaf ku salaysan dhanka sharciga iyo habsami u socodka hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya, taas oo ragaadisay howlo badan oo horyaalay Baarlamaanka iyo guud ahaan shaqada loo igmaday dowladihii soo maray dalka.”

Prof Saalim ayaa sheegay in xiligaan la joogo dalka ay horyaalaan caqabado badan oo dhanka amniga iyo siyaasada, isla markaasna la rabo in la dhamaystiro dastuurka loona gudbo in dalka la gaarisiiyo afti u qaadid Dastuur.

“Waxyaala muhiimka ah ee laga gabiyey waxaa ka mid ah samaynta Maxkamadii Dastuuriga ahayd, taas oo hormuud u noqon karta dhex dhexaadinta muranada soo kala dhex gala hay’adaha dowladda. Waxaana ii qorshaysan inaan ka dhigto ajandayaashayda ugu horeeya dhisida Adeega Garsooka, waxaa kale oo dadajin doonaa shuruucda is dul saaran ee horyaala Baarlamaanka si Xukuumada howlaha horyaalo loo dar dar galiyo” ayuu yiri Salim Ibrow

Prof Salim Caliyow Ibrow ayaa waxbarashadiisa hoose dhexe ku soo qaatay dalka sanadii lixdameeyadii, wuxuuna waxbarashiida jaamaceed u aaday 1968 dalka Talyaaniga isagoona soo bartay Culuunta Xanaanada iyo Caafimaadka Xoolaaha, wuxuu ka shaqo bilaabay markuu dalka ku soo noqday Dowladda Hoose ee Xamar, waxaa 1976 uu noqday Bare kaaliye Jaamacdii Ummadda, isagoo 1978 u dalacay Bare Jaamacadeed. Sidoo kale Prof Salim ayaa ka mid noqday Gudiga Sulaxa ee la asaasay dhamaadkii 1990-kii kaas oo qorshuhu ahaa in Ra’iisul Wasaare laga dhigo Cumar Carte Qaalib, Prof. Salim ayaa qayb weyn ka soo qaatay shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Jabouti 1991, waxaana u noqday Wasiir Ddowladi Cali Mahdi. Laga soo bilaabo sanadkii 2000 dowladii Carte lagau soo dhisay ilaa hada wuxuu ahaa Xildhibaan qaran, wuxuuna soo noqday Wasiir ku xigeen, Wasiirka Xanaanada xoolaha, Ra’iisul Wasaare ku xigeen, sii haye xilka Ra’iisul Wasaaraha xiligii uu is casilay Cali Maxamed Geedi, Wasiirka Maaliyadda, dowladihii aan KMG ahayn wuxuu soo noqday Wasiirka Xanaada Xoolaha iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo uu hada yahay.

Ilaa hadda waxaa ku dhawaaqey in ay yihiin Musharixiin.

Sheekh Aadan Madoobe oo horey xilkan u soo qabtey, kana mid ahaan jirey hoggaamiye kooxeedyadii hore ee Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo maanta ku dhawaaqey waxaana si weyn loo aaminsan yahay in uu yahay Musharax xukuumadda Raysalwasaare Kheyre wadato

Iyo Saalim Caliyow Ibrow oo la aaminsan yahay in uu yahay siyaasi qunyar socod ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*