Sidee loo joojin karaa xadgudubyada aan cidna loo ciqaabin ee laga galo suxufiyiinta?

Sannad kasta maanta oo kale, marka ay taariikhdu ku began tahay 2-da bisha Nofeembar waxaa dunida laga xusaa munaasabadda soo afjaridda isla xisaabtan la’aanta la xiriirta tacadiyada ka dhanka ah suxufiyiinta caalamka.

Soomaaliya waxay safka hore uga jirtaa dalalka ay ka dhacaan xad gudubyada ugu badan ee ka dhanka ah saxaafadda iyo suxufiyiinta.

Muddadii 12-ka sano ahayd ee la soo dhaafay, oo ah intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2017, ku dhawaad 1010 wariye ayaa caalamka lagu dilay iyagoo soo tabinaya warar iyo macluumaad ay u gudbinayaan bulshada.

Sagaal ka mid ah tobankii qof ee suxufi dilaba wax ciqaab ah lama kulmaan.

In lala xisaabtami waayo dadka waxyeelleeya suxufiyiinta waxay sii dhiirri galisaa iney bataan dilalka waxayna inta badan calaamad u tahay heerka xun ee ay gaaraan dagaallada iyo in laga tallaabsado hannaanka sharciga iyo caddaaladda.

Markii ugu horreysay sannadkii 2013-kii ayaa 2-da bisha Nofeembar loo asteeyay maalinta soo afjaridda isla xisaabtan la’aanta tacaddiyada suxufiyiinta, ka dib markii isla maalintaas dalka Mali lagu dilay 2 wariye oo u dhashay waddanka Faransiiska.

C/risaaq Qaasim Iimaan waxaa bishii Luulyo dilay askari ciidanka dawladda ka tirsan, dambigiisana laguma qaadinLahaanshaha sawirkaFACEBOOK
Image captionC/risaaq Qaasim Iimaan waxaa bishii Luulyo dilay askari ciidanka dawladda ka tirsan, dambigiisana laguma qaadin

Dalalka Afqaanistaan, Suuriya Ciraaq iyo Yemen ayaa lagu tilmaamay inay ka mid yihiin kuwa ugu halista badan ee ay warbaahinta ka howlgasho.

Laakiin Soomaaliya waxay sannadkan mar kale kaalinta hore ka gashay dalalka tacaddiyada ugu badan loogu geysto suxufiyiinta.

War bixin ay soo saartay hay’adda CPJ ee u doodda xuquuqda wariyeyaasha ayaa lagu qeexay in Soomaaliya ay meesha ugu hooseysa uga jirto 14-ka dal ee dhibaatada ugu badan ay kula kulmaan wariyeyaasha.

Muddo aad u dheer, weriyayaal badan oo Soomaaliya ka shaqaynayay ayaa la kulmay waxyeello isugu jirta dil, dhaawac, xarig iyo handadaad joogto ah, oo shaqadooda ka dhan ah.

Sidoo kale waxa jira xarumo warbaahineed oo shaqada laga joojiyay, iyo wariyeyaal si iskood ah uga tanaasulay guud ahaan shaqada saxaafadda, ka dib markii ay u adkeysan waayeen handadaadda loo geysto iyo cabsida xoogga leh ee ay ka qabaan in la dilo.

Tan iyo sannadkii 1992-kii, oo ku beegneyd hal sano ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ilaa 64 suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya, mana jirin dad si rasmi ah loogula xisaabtamay iney dilalkaas ka dambeeyeen.

Hay'adaha u doodda xuquuqda suxufiyiinta ayaa maanta oo kale xusaya asxaabtii ay ku waayeen dambiyada aan cidna loo qabanLahaanshaha sawirkaIFEX
Image captionHay’adaha u doodda xuquuqda suxufiyiinta ayaa maanta oo kale xusaya asxaabtii ay ku waayeen dambiyada aan cidna loo qaban

BBC-da ayaa doodo kala duwan ka sameysay sida caddaalad loogu heli karo Suxufiyiinta dhibaneyaasha u ah dadka ku bartilmaameedsada fulinta howlahooda ay xaqa u leeyihiin iyo shaqada ay shacabka u hayaan.

Mid ka mid ah doodahan waxaan dhex dhignay Axmed-weli Xuseen Maxamuud, oo ah tifaftiraha idaacadda maxalliga ah ee Goobjoog iyo Faadumo Sheekh Cabdillaahi oo ka tirsan wariyeyaasha ka howl gala magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Falanqeynta doodda ayaa ku saabsaneyd sababta ka dambaysa la xisaabtan la’aanta dadka dhibaateeya suxufiyiinta iyo sida ay ku suurta gali karto in caddaaladda la hor geeyo dadka xad gudubyada joogtada ah ku haya Suxufiyiinta ku sugan Soomaaliya.

“Marka hore waa in jawaab loo helo su’aalo badan oo ku saabsan cidda rasmiga ah ee bartilmaameedsata wariyeyaasha Soomaaliya. Su’aalaha kale ee la isweydiinayo una baahan jawaabta waxaa ka mid ah “Ma dowladda iyo laamaheeda amniga ayeysan daacad ka ahayn in laga hor tago ama la ciqaabo dadka ku xadgudba suxufiyiinta?, marka waxaa xaqiiq ah ineysan jirin cid u istaagtay iney wax ka qabato tacaddiga Wariyeyaasha” ayuu yiri Axmed-weli.

Sidoo kale Faadumo oo ra’yigeeda ka dhiibaneysay doodadda ayaa tiri “Haddii jawaab loo helo cidda disha Suxufiyiinta, aniga qudheyda ayaa iska billaabi lahaa inaan qorsheeyo sidii aan ku badbaadi lahaa oo aan isaga ilaalin lahaa khatarta. In aan la ogeyn meesha uu dhibka nooga imaanayo iyo sababta naloo bartilmaameedsanayo ayaa horseedday iney sii bataan dilalka suxufiyiinta. Wariyeyaasha way awoodaan iney is kaashadaan oo ay caddaalad raadsadaan laakiin waxaan middaas u saamaxeynin duruufo amni iyo xaqiiqada jirta, waayo haddiiba aysan shacabkii caadiga ahaa caddaalad helin ma jirto sabab uu suxufiga caddaalad ku heli karo”.

Dood kale oo ku saabsan sababta ay Soomaaliya sannadkii 4-aad oo xiriir ah kaalinta 1-aad uga jirto waddamada xadgudubyada loogu geysto suxufiyiinta ayuu Telefishinka BBC Somali u qabtay Jamaal Muxumad Cismaan oo ah wariye madax bannaan, oo fadhigiisu yahay magaalada London iyo Cabdiqaadir Maxamed Faarax Dulyar, oo ka mid ah suxufiyiinta muddadada dheer ka shaqeynayay Soomaaliya.

Nuxurka doodda ayaa salka ku hayay sababta keentay in la dilo wariyeyaasha.

“Haddii si dhib yar loo macneeyo, suxufiyiinta waxaa dilalka u geysta dad ka carooday macluumaadka ay faafiyeen, waana khalad in la dilo qof suxufi ah oo howshiisa gudanaya. Laakiin haddii si dheer loo macneeyo waxaan is leeyahay wariyeyaasha laftoodu waxyaabo badan oo aysan ka fiirsanin baa jira” ayuu yiri Jamaal.

Jamaal Cismaan wuxuu ka dhawaajiyay sabab uu sheegay inay ka mid tahay waxyaabaha keena dilka Suxufiyiinta.

“Waxyaalaha dadku aysan jecleyn in laga hadlo, suxufiyiintana u horseeda dilka, waxaa ka mid ah ‘sharuurka’ oo loo yaqaanno ‘laaluushka’ wariyeyaasha ay qaataan”.

Dulyar iyo Jamaal waxay ka qayb qaateen dood ay BBC qabatay
Image captionDulyar iyo Jamaal waxay ka qayb qaateen dood ay BBC qabatay

Hase yeeshee fikir kaas ka duwan ayuu doodda ku biiriyay Cabdiqaadir Dulyar.

“Runti anigu ma qabo in ‘sharuur’ uu sabab u yahay dilka wariyeyaasha, arrintu way ka weyn tahay ‘Sharuur’, lacagta uu laaluushka ku tilmaamayo Jamaal waa mid ujeeddadeedu ay iska caddahay oo la wada ogyahay, waana kharashka ay dhammaan hay’adaha warbaahinta qaataan si ay howlaha u fududeeyaan, aniguna ma qabo in taas ay horseeddo dilka suxufiyiinta” ayuu yiri Dulyar.

Isagoo ka sii hadlayay dillalka ayuu yiri Dulyar “Marka hore suxufiyiintu dilka waxay kala siman yihiin bulshada kale, waxaa la dilaa dhakhaatiir, culumo, saraakiil, oday dhaqameedyo, aqoonyahanno, suxufiguna waa mid ka mid ah dadka haldoorka ah ee bulshada. Sababta loo dilayo Alle ayaa og, waayo dhammaan dadkaasi lama oga sababta loo dilayo, mana la oran karo waxaa loo dilaa ‘Sharuur’ ama ‘laaluush’ ay qaataan. Laakiin waxaan ognahay in suxufiga uu yahay qof magac leh oo dilkiisa uu saameyn ku yeelanayo bulshada, ayna ka hadlaan dhammaan hay’adaha caalamiga ah”.

Warbixinta hay’adda difaacda Suxufiyiinta ee CPJ ayaa sannadkan warbixnta ay soo saartay waxay ku soo aadday hal bil ka dib markii dil caalamka oo dhan laga hadal hayay loo geystay wariye u dhashay dalka Sucuudiga u dhashay oo lagu magacaabo Jamaal Khaashuqji, kaasoo lagu dhex dilay xarunta Qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul.

NB:warbixintan waxa soo qoray ina soo diyaariyey    bbc.com/somalia  copy right bbc ayaa  iska  leh

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*